sprogpakken

 
 
 
Language Package Arabisk Engelsk Polsk Rumænsk Somali Thailandsk Tyrkisk Urdu Vietnamesisk
For pædagoger - 4-dageskursus $randomimages = ""; //here we print echo "$randomimages"; } getRandomImg(1,56,"../img/banner/") ?>
 

Kula ciyaarka afka

Had iyo jeer ilmaha kula ciyaar afka, si aad wax xiiso leh ugu dhigto in uu barto erayada cusub iyo weedhaha. Ilmuhu wuxuu si dhaqso ah u helayaa suurtagalada cusub, oo dhiirrismaya marka afka loo adeegsado si kedis ah.

La ciyaar jaanta (rim)
Marka waalidku la ciyaarayaan ilmahooda ciyaarta jaanta iyo qaafiyadda, waxa fiican inay noqdaan heerka kowaad ee jaanta, sida tusaale ahaan ‘Maxaa la jaan ah erayga lår (hooyada ayaa tilmaamaysa timaheeda, hår)? Maxaa la jaan ah erayga, vand (hooyada ayaa tilmaamaysa iliggeda, tand)? Waxa sidoo kale fikrad fiican ah, in sacabatun lagu qaado ciyaaraha da’da wayn ee sida "Andersine, Anders And og Rip, Rap, Rup" iyo "Var du med dengang, da de døvstumme sang”.

Ciyaarta hor iyo gadaal
Ciyaaraha qaarkood ayaa farxad wayn abuura, markay carruurtu la ciyaarayaan hooyada iyo aabbaha, tusaale ahaan ciyaarta hor iyo gadaal. Hooyada ayaa ku fadhiisanaysa kursi oo iska dhigaysa boqorad, aabbuhuna wuxu jiifsanayaa dhulka. Hooyada ayaa amarro ka soo bixinaysa kursiga: ‘Ma is hor taagi kartaa aabbo?’ ‘Ma dul gurguuran kartaa aabbo?’ ‘Ma is daba taagi kartaa aabbo‘ iwm. Halakn waxa culays la saaraa ereyada falka ah, oo muhiim u ah ilmuhu inuu keeno, waayo carruurtu waxay badi ciyarahooda u  adeegsadaan ereyada falka ah.

Ciyaarta bamka
Haddii la doonayo, in lagu ciyaaro fikradaha la xidhiidha erayada, waxa tusaale ahaan la ciyaari karaa “ciyaarta bamka – Bombelegen”. Waxa judha la buuxiyaa saacadda beedka u eg, waxa lagu ridaa kiish, markaas ayaa la soo bandhigaa eray goan sida kayn. Dabadeed qoyska oo dhan ayaa sheegaya ereyo xidhiidh la leh kaynta ilaa inta saacaddu ka qaylinayso. Qofka kiishka haya, marka saacaddu qayliso ayaa sheegaya erayga xiga ee lagu ciyaarayo. Ma jiro qaab goan oo loogu ciyaaro afka. Carruurta da’doodu ka yar tahay shan jir, iyagu waxay u baahan yihiin waxyaabo muuqda oo caawiya, sida sawirro, caruusado iyo xayawaanka balaastigga ah iwm. Carruurta yaryari waxay u baahan yihiin, in loogu celceliyo erayada la yidhi, si ay u qaybaan, waayo waxay taasi xoojinaysaa awoodooda la socoshada afka.

Dhis minaaradda midabada
Carruur badan ayaa si fiican u jecel hawlaha la qabto. "Dhis minaaradda midabadu" waa ciyaar caan ah. Ciyaartu waxay culays saartaa, in ilmuhu barto midabada lana socon karo latalinta aabbaha ama hooyada. Si ciyaarta loo ciyaaro waxa loo baahan yahay atlas iyo waslado 2 x 5 ah oo kala midabo ah, oo la is dul dhigi karo. Ka hor inta aan la bilaabin si kooban ayaa loogu sharxaa: ‘Eeg midabada wasladaha, waa hurdi, casaan, cagaar, caddaan iyo buluug, (eeg in ilmuhu garanayo midabada)’.  Hadda waxaynu soo qaadaynaa atlaska, oo si qarsoodi ah ugu dhisaynaa. Anigu waan kula dhisayaa. Hadda aynnu bilawno dhismaha, aniguna waan kugu la jiraa. Ma tahay diyaar? Ka buluugga ah ugu hor dhig – ka cas dul saar – ka cad hoos dhig ka buluuga ah iwm. Marka la is wada dul saaro wasladaha, buugga ayaad ka saaraysaa, oo waxaad eegaysaa in wasladuhu isku mid yihiin. Waa ciyaar xiiso badan, midabada wasladuxuna isku mid maaha.

Ma malayn kartaa, waxaan ka fikirayo?
"Ma malayn kartaa waxaan ka fikirayo" waa ciyaar, markasta la ciyaari karo, haddii gaadhi lagu jiro, haddii baaskiil la wado ama haddii guriga la joogoba. Ciyaartan fudud, waxa ilmuhu malaynayaa, waxa qofka wayni ka fikirayo. Waa muhiim in la doorto waxyaabaha ku jira nolosha ilmaha, haddii aanu ilmuhu aad u waynayn. Tusaale ahaan wuxu noqon karaa: ‘Waxaan ka fikirayaa, wax qofku isku arki karo (Muraayadda)’.

Raac tilmaamahayga
Qofka ayaa Bamse yar ku qarin kara meel aan loo filayn, waana la is kala beddelayaa si loo sheego, meesha uu Bamsuhu yaal. Tusaale ahaan, Bamsuhu wuxuu yaal daaradda, musqusha ama wuxu ku jiraa khaanadda sadexaad ee madbakhkha. Ka dib ilmaha ayaa qarinaya Bamsaha oo sheegaya, halka uu qofka weyni ka raadinayo Bamsaha.

Haddii loo baahdo waxyaabo laga shidaalqaato, waxa la booqan karaa boggaga intarnetka ee sida www.rimogremser.dk iyo www.multidansk.dk

 

Text

KULA CIYAAR AFKA – QOAAL

Film

Afka kula ciyaar, marka ay suurtagasho