sprogpakken

 
 
 
Language Package Arabisk Engelsk Polsk Rumænsk Somali Thailandsk Tyrkisk Urdu Vietnamesisk
For pædagoger - 4-dageskursus $randomimages = ""; //here we print echo "$randomimages"; } getRandomImg(1,56,"../img/banner/") ?>
 

wadahadallada nololmaalmeedka

Wadahadalka maalinlaha ahi waa barbilawga udubdhexaadka ah ee shaqada horumarinta afka carruurta. Waa muhiim, in wadahadalka had iyo jeer lagu saleeyo awoodda uu markaas leeyahay ilmo kasta, iyo in la nidaamiyo oo la qaabeeyo noocyada kala duwan ee wadahadalka, si ay u suurtagasho in la haqabtirto baahida iyo shuruudaha  ilmo kasta.
Marka istiraatijiyadaha kaabitaanka luqadeed loo adeegsado xidhiidhada xaaladaha maalinlaha ah, hadday tahay marka la ciyaarayo, marka la cuntaynayo ama waxyaabaha la xidhiidha hawlgallada kale, waxay godlaan awoodaha luqadeed ee ilmaha. Marka si joogto ah loola socdo, sida loola hadlo carruurta, iyo sida carruurtu u wada hadlaan, waxa la abuuray gundhig adag oo deegaan godlaya afka ah.   

Xidhmada afka waxa ku jira istiraatijiyado badan oo luqadeed, kuwaas oo qaabab kala duwan u badhitaara una godla horumarka luqadeed. Istiraatijiyadaha waxa lagu saleeyaa dhammaan wadahadallada loo adeegsado hawlgallada maalinlaha ah iyo waxyaabaha yaryar ee la qabto, waxana ay barshidaal u noqonaysaa waalid kasta.

Istiraatijiyadaha kaabitaanka luqadeed ee xidhmada afku waa:

  1. Adeegso suaalaha furan
  2. La soco xiisaha ilmaha
  3. Sug jawaabta ilmaha
  4. Turjun oo sii wad, waxa ilmuhu yidhaahdo
  5. Ka caawi ilmaha in uu adeegsado erayada
  6. Sharax erayada aanu ilmuhu aqoonin
  7. La xidhiidhi wax uu ilmuhu yaqaan
  8. Isticmaal tabaha afka ee uu ilmuhu yaqaan
  9. Toos ha u tilmaamin khaladka ilmaha
  10. Afka kula ciyaar, marka ay suurtagasho

 

 

 

 

 

 

Text

CARRUURTU WAXAY AFKA KA BARTAAN WAALIDKA -QOAAL

Text

WADAHADALLADA NOLOLMAALMEEDKA (ISTIRAATIJIYADAHA KAABA AFKA) QORAAL MUUQAAL AH

film
Film

Adeegso suaalaha furan

Film

La soco xiisaha ilmaha

Film Sug jawaabta ilmaha
Film

Turjun oo sii wad, waxa ilmuhu yidhaahdo

Film

Ka caawi ilmaha in uu adeegsado erayada

Film

Sharax erayada aanu ilmuhu aqoonin

Film

La xidhiidhi wax uu ilmuhu yaqaan

Film Isticmaal tabaha afka ee uu ilmuhu yaqaan
Film

Toos ha u tilmaamin khaladka ilmaha

Film

Afka kula ciyaar, marka ay suurtagasho

Film

AKHRISKA WADAHADALEED