sprogpakken

 
 
 
Language Package Arabisk Engelsk Polsk Rumænsk Somali Thailandsk Tyrkisk Urdu Vietnamesisk
For pædagoger - 4-dageskursus $randomimages = ""; //here we print echo "$randomimages"; } getRandomImg(1,56,"../img/banner/") ?>
 

akhriska wadahadaleed

Halkii berigii hore carruurta kor wax loogu akhriyi jiray, ee ay dhegaysan jireen uun, akhris wadahadaleedku wuxu ka dhigan yahay, in qofka wayni wax ugu akhriyo qaab ay hadallo is waydaarsanayaan carruurta. In suaalo la waydiiyo carruurta oo la godlo, iyadoo wax loo akhriyo ayaa dhiirrigelisa, taasoo horseeda in carruurtu horumariyaan qaybo badan oo afka ah.

Akhris wadahadaleedka waxa loo qaybin karaa saddex qaybood, oo kala ah: akhriska hortii, akhriska dhexdiisa iyo akhriska dabadii:

Akhriska ka hor

  • Akhri buugga ka hor inta aanad u akhriyin ilmahaaga oo ka qaado fikrad, waxyaabaha aad rabto inaad kala hadasho iyo waxaad ka wayddinayso sheekada.
  • Ka dhig wax akhriska mid deggan oo gaar ah.
  • Wax uga sheeg ilmaha buugga: tus bogga hore iyo bogga danbe una sheeg cidda qortay buugga iyo cidda samaysay sawirrada.
  • Suaalo ka waydii ilmaha muuqaalka buugga.
    Ilmahaagu ha ku fadhiisto wax yar oo ahmiyad gaar ah u leh sheekada.

Akhriska dhexdiisa

  • Markasta u diyaar ahow suaal, intaad buugga akhriyayso. Marka ilmahaagu ku waydiiyo suaal, jooji akhriska oo u jawaab.
  • La soco laabraaca ilmahaaga (nysgerrighed), ku dhowow, waydii wuxu xiisaynayo oo dhegayso jawaabaha. Uga gur ilmahaaga sidii sheekeeye.
  • Ku celinta akhriska, tus buugga oo ku dhiirrigeli ilmahaagu, inuu ka sheekeeyo wuxu ka xusuusan karo, sida tusaale ahaan sawirrada. Ku biiri aqoon cusub wuxu yaqaan ilmahaagu.

Akhriska dabadii

  • Ka hadal dulucda sheekada sidoo kale markaad laabto buugga. Adeegso ereyada cusub, ee ku jira buugga – marba markay sii bataan ereyada uu maqlayo ilmahaagu, waxa sii badanaya sidu u xusuusanayo ee isaguna u isticmaalayo.

 

Text AKHRIS WADAHADALEED – QORAAL MUUQDA
Film

akhriska wadahadaleed